Garoowe (KAAB TV) – Xubno kamid ah xisbiyada siyaasada maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed ey soo saareen ku cadeeyay mowqifkooda doorashada qof iyo codka ah oo mudooyinkii lasoo dhafaay kataagnaa muran fara badan.
Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay xisbiyadan xisbiyadan kajira maamulka Puntland eyey taageero ugu muujiyeen madaxweynaha Puntland Siciid Deni ee hirgelinta doorshada qof iyo codka ah oo kadhacda deegaannada maamulka Puntland.
Dhanka kale, bayaankan ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in xisbiyadan ey taageersanyihiin doorashada qof iyo codka ah iyadoo kudheceysa si xor iyo xalaal ah si loo dhameystiro hannaanka dimuqraadiyada Puntland, iyagoon bulshada reer Puntland ugu baaqay iney u diyaar garoowaan diwaangelinta doorashada.