SO | EN

SO | EN

Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo taageeray howlgalka ka dhanka ah ee kooxda Daacish

|

Garoowe (KAAB TV) – Dhammaan xisbiyada siyaasadda ee ka jira Puntland oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa mucaarid iyo muxaafidba taageeray dagaalka Argagixisada looga saarayo buuraha Cal-miskaad.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka Xisbiyada siyaasadda Puntland ee kala ah Mideeye, Sincad, Kaah, Mustaqbal, Horseed, Ifiye, Shaqaalaha iyo Runcad ayaa lagu taageeray hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish (ISIS) ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Dhanka kale, Xisbiyada Siyaasadda ayaa bogaadiyay ciidamada Puntland ee guulaha waaweyn ka gaaray dagaalka Argagixisada, islamarkaana ka saaray saldhiyo badan oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad, halkaasi oo weli ciidamadu ku raad-joogaan firxadka mileeshiyaadka Daacish.

Xisbiyaddu waxay sidoo kale u mahad celiyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka caawinaya hawlgalka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish.

Waxay kaloo ugu baaqeen shacabka Puntland iyo taageerayaashooda in ay garab istaagaan ciidanka iyo dowladda Puntland, si loo dhammaystiro guusha laga gaaray kooxaha Daacish oo weli ku dhuumanaya buuraha, inkastoo laga saaray saldhigyo muhiim ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News