SO | EN

SO | EN

Xisbullah oo diyaarado ku weerartay Israa’iil: in ka badan 60 sarkaal oo dhaawacmay

|

LONDON (Kaab TV) – In ka badan 60 saraakiil iyo askar Israa’iil ah ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday saldhig militari oo Israa’iil ku leedahay gobolka Binyamina ee waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegeen dhaqaatiirta gurmadka degdega ah.

Ururka Xisbullaah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa xerada tababarka ee ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ee Golani taasoo u dhaxaysa Tel Aviv iyo Haifa. 
Kooxaha gurmadka deg degga ayaa sheegay inay dhaawacyo gaaraya 67 u daadgureeyeen isbitaallada.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda iskaa wax u qabso ee gurmadka degdega ah, United Hatzalah, ayaa lagu sheegay in xaaladda dadka dhaawacmay ay u dhaxayso kuwo halis ah iyo kuwo fudud.

Xerada la weeraray ayaa ku taalla gobolka Binyamina ee waqooyiga Israa'iil.
Xerada la weeraray ayaa ku taalla gobolka Binyamina ee waqooyiga Israa’iil.
Warbaahinta gudaha ayaa baahisay muuqaallo muujinaya baaxadda weerarka inkastoo ay jirto faafreeb saaran warbaahinta oo aysan sheegi karin goobaha la bartil maameedsaday halkay ku yaallaan.
Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in xerada la weeraray uu ku sugnaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Israa’iil Herzi Halevi. 
Ma cadda haddii ay wax khasaare soo gaareen Taliyaha Guud ee Ciidamada iyo in kale.
Dib kala soco wixii ku soo kordha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News