SO | EN

XOG: 120 gabdhood oo tahriib ah oo lagu qaaday diyaaraddii RW Xamze u qaadday Cumrada

|

Muqdisho (Kaab TV) – Illaa 120 gabdhood oo qaab tahriib ah lagu waday ayaa laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 15kii Abril 2023, sida uu ogaaday baaritaanka Kaab TV.

120 gabdhood oo dhammaantood sitay baasaboorka Soomaaliga ayaa lagu qaadday diyaaradda Daallo ee ka dhooftay Muqdisho 15kii bishan Abriil 2023.

Diyaaraddaasi ayaa waxaa sii raacay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo u socday cumrada sannadkan.

Qof ka tirsan waaxda socdaalka ee Garoonka Aadan Cadde ayaa noo xaqiijiyay in 120 gabdhood ay ka mid ahaayeen dadka ugu horreeyay ee galay diyaaradda, kahor intii aysan Ra’isul Wasaaraha iyo xubnaha kale ee Wasiiradiisa, oo fadhiyay qeybta VIP-da ee garoonka, aysan soo fuulin diyaaradda.

Ra’isul Wasaare Xamze Cabdi Barre iyo wasiirkiisa waxbarashada, Faarax Cabduqaadir oo raacay diyaaradda 15kii Abril 2023 qaaday gabdhaha tahriibka.

Xogta gabdhaha la tahriibiyay

120 gabdhood ayaa qeyb ka ah illaa 170 gabdhood oo ay lacago kala duwan ka qaateen illaa shan shirkadood oo ah kuwa socdaalka (travel agency) ku yaalla magaalada Muqdisho.

Gabdhaha ayaa qaab shaqaaleysiin ah (qaddaamado) loogu waday dalka Sacuudi Carabiya halkaasoo ay hadda ku sugan yihiin. Kaab TV ayaa la xiriiray qaar ka mid ah gabdhaha oo naga codsaday in magacyadooda aan la sheegin balse xaqiijiyay inay gaareen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

120 gabdhood oo tahriib ah oo laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
120 gabdhood oo tahriib ah oo laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Booliska ayaa 24kii Abriil 2023 u yeeray 50 kale oo ka mid ah gabdhaha weli harsan kuwaasoo ku sugan Muqdisho. Sarkaal booliska ka tirsan ayaa Kaab TV u sheegay in gabdhaha su’aalo lagu weydiiyay saldhigga booliska degmada Waaberi.

Caddeymaha hadda soo baxaya ayaa muujinaya in dhoofinta gabdhaha 120 ee safray 15kii Abril 2023 ay qeyb ku lahaayeen Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde, Cabdifataax Bashiir Cali iyo Taliyaha Nabadsugidda ee Garoonka Aadan Cadde, Xamdi Xasan.

Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde, Cabdifataax Bashiir Cali iyo Taliyaha Nabadsugidda ee Garoonka Aadan Cadde, Xamdi Xasan.

Xogta Kaab TV ka heley ilo wareed booliska ka tirsan ayaa sheegeysa in shirkadaha tahriibiyay gabdhahan ay khidmad ahaan u bixiyeen lacag gaareysa $18,000 oo laga bixiyay 120 gabdhood ee la tahriibiyay 15kii Abriil 2023.  Lacagtaasi oo u dhiganta $150 in gabar kasta oo tahriib ah laga bixiyay ayaa waxaa laaluush ahaan u qaatay Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde, Cabdifataax Bashiir iyo Taliyaha Nabadsugidda ee Garoonka Aadan Cadde, Xamdi Xasan.

Il wareedka booliska ayaa sheegaya in sarkaal lagu magacaabo Maxamed Salaad oo ka tirsan booliska Garoonka Adan Cadde uu qeyb ka yahay shabakadda tahriibinta fududeysa ee ka hawlgasha Garoonka Aadan Cadde.

Go’aankii Wasaaradda Shaqada ee 15kii Nofembar 2022

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 15kii Nofembar 2022 la wadaagtay Hay’adaha ay khuseyso wargelin lagu joojiyey shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama dalka laga dhoofin karo.
Sidoo kale, waxay Wasaaraddu isla go’aankaasi ku baabi’isay dhammaaan rukhsadihii iyo shatiyadii hore Wasaaradda Shaqadu u bixisey ee Shirkadaha adeegga shaqaaleysiinta dibedda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News