SO | EN

SO | EN

XOG: Axmed Madoobe iyo Ethiopia maxay ku heshiiyeen?

|

Addis Ababa (Kaab TV) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa beryahan ku sugnaa magaalooyinka Addis Ababa iyo Jigjiga halkaasoo uu shirar hoose kula yeeshay saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia.

Axmed Madoobe, oo toddobaadkii hore ka dhoofay magaalada Kismaayo, ayaa la kulmay madax isugu jirta kuwa dowladda federaalka Ethiopia oo uu ugu horreeyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Cumar Cagjar.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirarka uu Axmed Madoobe la yeeshay madaxda Ethiopia iyo waxyaabihii kasoo baxay.

Axmed Madoobe oo la kulmay Madaxweyne Mustafe Cagjar, Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shide iyo mas’uuliyiin kale.

KULANKA MADOOBE IYO ABIY

Axmed Madoobe ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Cali, waxayna ka wada hadleen walaaca Axmed Madoobe ka qabo xumaanshaha xiriirka Jubbaland iyo Ethiopia, qorshaha adeegsiga ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah kuwa waddamada safka hore ee la qorsheeyay in ay ka qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaabka ku sugan Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa aad uga walaacsan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka Gedo ee qorshuhu yahay in lagu xoreeyo degmada Bu’aale. Gobolka Gedo hadda ma hoos tago maamulka Axmed Madoobe.

Madoobe ayaa raadinaya in wixii dhaqdhaqaaqyo ah ee laga fulinayo Jubbalabd loo soo maro maamulka Kismaayo.

Ilo wareedyo la hadlay Kaab TV ayaa xaqiijiyay in dhammaan arrimaha laga wada hadlay lagu heshiiyay.

Socdaalka Axmed Madoobe ee Ethiopia ayaa si weyn wax uga beddeli doona aragtida Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland oo laga yaabo in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan saameyn badan ku sii yeelan doonin.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News