SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo Cagjar kala hadlay saddex arrimood

|

Addis Ababa (Kaab TV) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo haatan kusugan dalka itoobiya ee magaalada Addis Ababa ayaa kulan laqaatay dhigiisa madaxweynaha maamulka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar.

Labada masuul ayaa kulan kooda uga wada hadlay saddex arrimood oo kala ah iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan sida lagu daabacay war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shidde.

Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan” warka qoraalka ah ee kasoo baxay dhanka maamul goboleedka Jubbaland.

Dhammaan waxaa kulamadaas looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News