Nairobi (KAAB TV) – Qaar kamid ha madaxda dowladd goboledyada dalka ayaa haatan isugu tagay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo ay kawadaan dhaqdhaqaaqyo ey kawadaan.
Sidoo kale, magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa kusugan madaxweynayaasha dowladd goboleedyada dalka, sida Koonfur galbeed, Jubbland iyo Puntland oo kulamo aan lashaacin kuqaatay dalka Kenya.
Dhanka kale, madaxdan oo ay ugu horeeyaan Axmed Madoobe, Siciid Deni iyo Laftagareen ayaa lasheegay in ey isbaheysi siyaasadeed in ey kusameysanayaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Nairobi maadama ey galayaan doorashooyin adag oo ay kukala hormari doonaan saddexdooda.
Madaxdan ayaa marka hore isu arkay mid mid iyagoona iska wareystan xaaladaha guud ee dalka.
Madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Jubbaland oo ay iyagu hada kusoo wajahanyihiin doorashooyin waxa ayna loolan adag kala kulmayaan dhanka mucaaradka.
waxaa iyadana lafilayaa in sitoos ah ay isu arkaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ay mar ahaayeen xulufo siyaasadeed balse hada ay kula kala ir dhoobeen doorashadii Xasan Sheekh.
Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xili dalka uu kujiro xaalad dagaal iyadoo howlgalo culus ey kasocdaan gobolada dalka.