SO | EN

XOG: Bastoolado Turkey u keenay Dowladda Soomaaliya oo lagu kala iibsanayo suuqyada hubka ee Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) — Waxaa soo shaac baxay fadeexad culus oo la xiriirta hubka loogu deeqo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si hoose loogu kala iibsanayo suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Kaab TV.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Kaab TV in 50 bastooladood casriga ah ee Turkey soo saaro ee Girsan MC28SA oo ay codsatay dowladda Soomaaliya hadda lagu kala iibsanayo suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa halkii bastoolad lagu kala iibsanayaa $3,000 illaa $3,400, sida uu xaqiijiyay Kaab TV oo la hadlay qaar ka mid ah dullaaliinta hubka ee Muqdisho.

bastooladood casriga ah ee Turkey soo saaro ee Girsan MC28SA oo ay codsatay dowladda Soomaaliya hadda lagu kala iibsanayo suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho.
Bastooladaha casriga ah ee Turkey soo saaro ee Girsan MC28SA oo ay codsatay dowladda Soomaaliya hadda lagu kala iibsanayo suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho.

“Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka codsaday dowladda Turkey 100 bastoolad. Dowladda Turkey ayaa safaaradeeda Muqdisho soo marsiisay 100 bastoolad oo nooca Girsan MC28SA,” ayuu yiri il wareedka la hadlay Kaab TV.

“Markii bastooladaha la keenay lama marsiinin xarunta calaamadeynta hubka ee ku taalla Xalane. Waxaana toos loogu wareejiyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga oo iyaguna la wareegay hubka,” ayuu sii raaciyay.

Suuqyada hubka Muqdisho

Waxaa toddobaadkii lasoo dhaafay laga warheley bastoolado cusub, oo sida dullaaliinta hubka sheegeen aad u tayo sarreeya, oo soo galay suuqa, taasoo keentay in saraakiil sare oo dhanka amniga ay arrinta ku wargeliyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia ayaa markii ay warkan heshey ka xaqiijisay saraakiisha militariga ee Safaaradda Turkey ee Muqdisho kuwaasoo iyaguna u gudbiyay madaxtooyada warqad caddeyneysa codsiga Wasiirka Gaashaandhigga ee bastooladaha iyo tiradii ay ku wareejiyeen Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga.

“Sida caadiga ah hub kasta oo suuqa yimaada waxaa laga helaa dhanka dowladda. Waxaa jira hub tiro yar oo ka yimaada dadka caadiga ah ama dhanka badda soo mara,” ayuu yiri Cabdi Yare oo ah dullaal hubka oo ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka si uu arrintaan wax uga weydiiyo.

Musuqmaasuq iyo isla xisaabtan la’aanta ayaa saameyn ku leh amniga Soomaaliya, iyadoo sida badan weerarada ay soo qaadaan kooxaha argagixisada ee al-Shabaab iyo Daacish loo adeegsado hubka iyo rasaasta loogu deeqo ciidamada dowladda oo faraha ka baxa iyo qaar laga iibsado suuqyada hubka ee dalka.

Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992-kii ku soo rogtay Soomaaliya cunaqabateynta hubka si loo yareeyo loona xaddido hubkii ay isku leynayeen xoogaggii maleeshiyaadka qabiilka ee afgamiyay dowladda hogaamiyihii kali-teliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991 xilligaas oo dalku uu galay dagaal sokeeye.

Bishii Nofembar 2022 ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in la sii wado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Dowladaha reer galbeedka oo qaraarkan soo gudbiyay ayaa sheegay in Al-shabaab ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, loona baahan yahay in cunaqabateyn la sii wado si loo dhimo dhaqdhaqaaqyadooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage.

Illaa 11 dowladood oo ka mid ah 15ka joogtada ee Golaha Ammaanka ayaa taageeray in la sii wado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyadoo Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka aamuseen taageerada.

Qaraarkan oo asalkiisa ay keentay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish (ISIL) ee ku sugan Geeska Afrika.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka, waxaana uu ku amaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageerin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News