SO | EN

SO | EN

XOG: Ciidankii Eritrea laga keenay oo qaarkood ‘gadood’ kaga maqan xerada

|

MUQDISHO (Kaab TV) Sida ay Kaab TV u sheegeen ilo wareedyo hay’adaha ammaanka ka tirsan, waxaa xerada Jeneral Gordon ee magaalada Muqdisho ka maqan in ka badan 200 oo ka mid ah askartii laga keenay dalka Eritrea ee bishii December 2022.

Ciidankan oo markii hore ahaa illaa 5,000 askari oo ay dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qeybtii ugu horreysay waxaa la keenay bartamihii bishii December ee sannadkii hore.

Gadoodka askarta

Saraakiil ka tirsan ciidankan oo ku jiray xerada Jeneral Gordon ayaa xaqiijiyay in in ka badan 200 askari ay isaga tageen xerada ka dib markii ay ku qanci waayeen duruufaha soo wajahay oo ay ugu horreyso xuquuq la’aan iyo inaysan weli arkin waalidiintooda iyo qoysaskooda oo muddo ka badan shan sano aysan arkin maadaama ay tababar ku maqnaayeen.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noo khudbeeyay oo nagu dhahay mushahar waad heleysiin. Laakiin waxaan maqalnay in wasaaradda maaliyadda ay soo dhahday ciidanka cusub wax miisaaniyad ah uma heyno,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Kaab TV.

Waxayse arrintu ka sii dartay markii la shaaciyay heshiis cusub oo ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta 4tii January 2023.

Heshiiskaasi oo uu saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhigaya in Imaaraadka lagu wareejiyo maamulka ciidanka laga keenay Eritrea isla markaana ay bixin doonaan mushaharkiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la kulmay wasiirka difaaca Imaaraadka Carabta.

Askarta iyo saraakiisha la hadlay Kaab TV ayaa sheegay inay diidan yihiin in la hoos geeyo Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha ayaa sheegay in taliyaha ciidankan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Eritrea iyo lix sarkaal oo ugu sarreysa askarta ay ka hor yimaadeen qorshaha loogu wareejinayo Imaaraadka sidaas darteedna ay u cuntami weysay inay noqdaan ciidan hoostaga Imaaraadka Carabta.

“Anagu waxaan ahayn ciidan qaran laakiin hadda waxaa nalag dhigay askar calooshood u shaqeystayaal ah. Taasina nooma cuntanto,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Kaab TV oo codsaday in magaciisa la qariyo maadaama uu ka hadlayo arrin xasaasi ah.

War saxaafadeedka Taliska Xoogga 

Toddobaad ka hor ayaa warbaahinta ay sheegtay in agagaarka Tarabuunka lagu arkay askarta ka timid Eritrea oo ka soo fakatay xerada Jeneraal Gordon ee ay ku jireen. Arbacadii ayay ciidamada Eritrea ee weli jooga xerada la maqlay iyagoo rasaas badan ridaya taasoo qalqal gelisay dadka deggan xaafadaha degmada Hodan.

 Isla maalintii Arbacada ee 25 January 2023, war saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in rasaasta ka dhacaysa xerada Jeneral Gordon ay tahay “dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan CXDs kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka Gen Goordan XDS.”

Waalidiinta oo walaacsan

Dhanka kale, waalidiinta qaar ka mid ah askartan laga soo celiyay Eritrea ayaa Jimcihii shalay ee 27 January 2023 kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo u muujiyay walaaca ay ka qabaan in weli aysan arkin wiilashooda oo qaarkood illaa hadda aanan laga soo celin dalka Eritrea.

Xasan Sheekh oo la kulmay waalidiinta askarta loo qaaday Eritrea.

War saxaafadeed lagu daabacay bogga Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “madaxweynuhu uu waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News