Muqdisho (KAAB TV) – Warar hoose oo maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah oo dowladda Soomaaliya ay leedahay ayaa howlgab kuyihiin Muqdisho, iyadoo ay taagan tahay baahi duqeymo, madaama kooxda AS ay soo qabsadeen qeybo muhiim ah oo kamid ah gobollada dalka.
Sidoo kale, Talisyada Xoogga iyo NISA ayaa isku heysta maamulka labadaas diyaaradood oo lagu soo iibiyey lacag ay leedahay dowladda Soomaaliya, kuna sugan Muqdisho muddo bil ka badan.
Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee xilka laga qaaday Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo loo wareejiyey wasaaradda dekedaha ayaa weli faraha kula jira maamulka diyaaradahaas, maadaama uu weli dowladda u hayo Malafka xiriirka Turkiga ee DF.
Wasiirka Jaamac ayaa maamulka diyaaradahaas hoos geeyey Hay’adda NISA, intii uu heystay wasaaradda gaashaandhigga, balse Taliska Xoogga ayaa ka carooday, isagoo ku doodaya in diyaaradahaan lagu soo iibiyey magaca ciidanka cirka ee xoogga dalka.
Taliska Xoogga oo toddobaadyadii u dambeeyey soo dalbaday duqeymo ayaa loo sheegay dhowr cudur-daar oo sy kamid yihiin “in hawada uu roob ku jiro, in amar looga baahan yahay cid aan loo cadeyn iyo in diyaaradaha aysan weli howlgeli karin oo farsamadooda ay wax ka dhiman yihiin,” taasi oo ciishay Jeneraal Odowaa iyo saraakiisha xoogga oo ugu dambeyntii u soo dacwooday madaxweyne Xasan Sheekh.
Sikastaba, Murankaas iyo is qab-qabsigaas uu ku dhexjiro wasiir Jaamac oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa sababay in dowladda Soomaaliya oo diyaarado dagaal soo iibsatay ay u baahato cid u fulisa duqeymo.