MUQDISHO (Kaab TV) – Ilo wareed ku dhow Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa u sheegay Kaab TV in Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye uu ka cudurdaartay codsi uga yimid Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Xamse ayaa qorsheynayay inuu shir jaraa’id ay wada qabtaan isaga iyo Firdhiye maalinkii Arbacada markii uu soo dhammaaday kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo lagu qabtay Villa Soomaaliya 5 – 7 May.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Firdhiye, oo maamulkiisu raadinayay aqoonsi uu ka helo Dowladda Federaalka si ay Khaatumo u noqoto maamul goboleed ka tirsan federaalka, ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galay shirka Madasha.
War saxaafadeedkii kasoo baxay shirka ayaa lagu aqoonsaday Khaatumo, iyadoo shirweyne lagu dhameystiraayo maamulka Khaatumo lagu baaqay in ay qabato Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka.
hase ahaatee, Raisul Wasaare Xamse oo si weyn ula dagaalsan Jubbaland iyo Puntland ayaa rabay inuu Firdhiye kasoo muuqdo shir saxaafadeed uu doonayay inuu qabto, kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu faahfaahiyo go’aankii shirka madasha.
Ilo wareedka Khaatumo ee la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in Firdhiye ka cudurdaartay shirkaasi jaraa’id sabab la xiriirta in Firdhiye uu ogaaday in Xamse shirka ku weerari doono maamullada Jubbaland iyo Puntland.

“Khaatumo waa maamul cusub oo doonaya inuu helo aqoonsi, waxna la qabsado dhammaan Soomaalida, haddana diyaar uma ah inuu galo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Jubbaland ama Puntland,” ayuu yiri il wareedka madaxtooyada Khaatumo.
Ra’isul Wasaare Xamse ayaa u arkay kala soo muuqashada Firdhiye shirka jaraa’id ay siin lahayd inuu isu muujiyo nin heysta taageerada beelaha Daarood, maadaama labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ee diiddan xukuumaddiisu ay kasoo jeedaan beelaha Daarood.
Xamse ayaa si buun buunin ku jirto u adeegsaday booqashadii Laascaanood, taas oo dhanka Khaatumo lagu qanciyay siideynta 25 maxbuus oo Somaliland ah, halka inii ay socotay booqashadaasi saddexda maalin si weyn geeska loo galiyay Puntland.
Puntland ayaa tallaabadaas kaga jawabtay siideynta 15 maxbuus oo Somaliland ay kaga bedelatay 11 maxbuus oo reer Puntland ah, iyadoo markii ugu horreysay uu abuurmay heshiis u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.
Laakiin dalabka Xamse iyo diidmada uu Firdhiye diiday ka qeybgalka shir saxaafadeedkii Muqdisho ee lagu weerari lahaa Jubbaland iyo Puntland waxay durba muujisay in dowladda federaalka ay ujeeddo siyaasadeed waqti gaaban ka leedahay Khaatumo, halka reer Khaatumo ay doonayaan aqoonsi iyo helitaanka xuquuqdooda maamul ahaaneed.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday ka hadalka baaqashada shir saxaafadeedkii loo madlanaa ee looga hadli lahaa natiijada Shirkii Madasha ee ku soo dhammaaday Muqdisho.