SO | EN

SO | EN

Isku-dayga hakinta kulanka Baarlamaanka oo fashilmay iyo doodda weerarka Jaalle Siyaad oo weli taagan

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Warar aan helnay ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya tan iyo xalay ay waday isku dayo ujeedkooda uu ahaa in la baajiyo fadhi ay yeelanayaan mudanayaasha  Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Barlamaanka labadiisa aqal oo kulan wadajir ah yeelanaya maanta oo Isniin ah ayaa tan iyo xalay waxa socday qorshe Villa Soomaaliya ay riixaysay si loo baajiyo kulanka wadajirka ah.

Ujeedka ugu wayn ee laga lahaa ayaa ahaa sidii Barlaaamanka uusan uga hadli lahayn qaraxii askarta badan ay ku dhinteen ee dhawaan ka dhacay Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho oo la daboolayo wali.

Weerarka qaraxa oo ay sheegatay Al-Shabaab waxaa ku nafwaayey in ka badan 40 askari oo ka tirsan guutada 14 Oktoobar iyadoo 73 kale ay ku dhaawacmeen.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hadda u xiran yihiin saraakiil ka tirsan ciidanka oo loo heysto inay fududeeyeen in ruuxa isqarxiyay uu gudaha u soo galo xerada ciidamada 14 Oktoobar.

Waxaa soconaya isku dayo badan oo looga gol leeyahay sidii gabi ahaanba loo tirtiri lahaa raadad kasta oo ku saabsan xogta qaraxaas oo cambaarayn badan Dowladda Hassan Sheekh Maxamuud ay kala kulantay.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hortagay Barlamaanka dhawaan tagay ayaa lagu qasbay inuu ka hadlo weerarka askarta badan ay ku dhinteen.

Wasiirka ayaa markii hore isku dayay inuu diido ka hadalka dhacdadaas  taas oo markii dambe keentay in buuq badan uu ka dhasho fadhiga Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxtooyada ayaa doonaysa in ay ka qariso indhaha xildhibaanada dhacdadaas iyo inaan arrintan waxba laga weydiin mas’uuliyiinta amniga oo uu ugu horreeyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo la aaminsan yahay in qaab qabiil uu ula dagaalamayo guutooyinka ciidanka ay dhistay dowladdii hore.

Guutada 14 Oktoobar oo awood ku leh gobolka Shabeellaha Hoose, una badan beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ka mid ah ciidamo uu abuuray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hab qabiil u diidanaa siyaasiyiita beelaha Hawiye ee ku sugan Muqdisho.

Qoysaska askarta la laayey oo mudaaharaad ka dhigay magaalada Marka iyo guud ahaan shacabka ayaa sidoo kale doonaya inay ogaadaan cidda run ahaan ka danbeysay abaabulka weerarka, walow Al-Shabaab ay si rasmi ah u sheegatay weerarkan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News