MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa maalinkii Khamiista ee 2 Oktoobar xilka laga qaaday Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo xilka haayay tan iyo bishii Abriil 2023.
Kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayay isla maalinkaas ku shaaciyeen magacaabista Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo noqonaya Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka.
Cabdiraxmaan Anas ayaa dhankiisa shaaciyay inuu xilka iska casilay bishii Agoosto ee sannadkan, inkastoo uu shaqada sii joogay illaa maalinkii ay golaha wasiiradu shaaciyeen in la magacaabay mas’uulka cusub.
“Anigoo ah Abdirahman Mohamed Anas, waxaan marka hore si qoto dheer ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud, oo igu aaminay xilkan muhiimka ah, Sharaf ayay ii ahayd in aan xilkan ku qabto aniga oo aanan codsan, balse uu Madaxweynuhu ii gartay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

“Waxaan si gaar ah u caddeynayaa in go’aanka aan xilka kaga tagay uu yahay mid aniga ii gaar ah, islamarkaana aan u gudbiyey Madaxweynaha 31-kii August 2025, si aan u siiyo waqti ku filan oo lagu diyaariyo kala-guur habsami leh.”
WAA KUMA ANAS?
Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa ka mid ahaa hawlwadeennadii Jaamacadda SIMAD, qeybta lacag qabashada ardayda, halkaas oo uu kula kulmay Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah mmulkiilayaasha jaamacadda.
Anas wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay bangiga Premier Bank oo uu Xasan Sheekh Maxamuud qeyb ahaan leeyahay.
Cabdiraxmaan Anas wuxuu kasoo jeedaa beesha Shiikhaal Gendershe oo ka mid ah beelaha ku jira 0.5 ee la gacan bidixeeyo.
SABABTA XIL KA QAADISTA
Waxaa muddo taagnaa is qabqabsi u dhexeeyay Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige oo ah nin ku tiirsan qoyska Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan mid ka mid ah xaasaska Xasan Sheekh oo Biixi uu xiriir dhanka qoyska la leeyahay.
Ilo wareed ka hawlgala Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegaya in Anas ay is qabteen wasiir Biixi Cige, ka dib markuu dhowr jeer Anas hor istaagay warqado dalab lacageed oo uu Wasiirku saxiixay.
Is qabqabsiga ayaa dhanka kale, waxaa horey uu ugu dhexeeyay Wasiir Bixi Cige iyo Hantidhowraha Axmed Guutaale oo isaguna ka soo jeeda beelaha Hawiye.
Sarkaal ku dhow xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa Kaab TV u sheegay in Anas iyo Biixi Cige la isku dayay in la dhex dhexaadiyo, hase yeeshee Anas uu ku adkeystay in midkood uu meesha banneeyo oo ay golaha wasiirada go’aan soo gaaraan.
Go’aanka golaha wasiirada ayaa noqday in Cabdiraxmaan Anas xilka laga qaado, laguna bedelo Maxamed Dheere oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Waxbarashada ee maamulka Hirshabeelle.
XISAABIYAHA CUSUB
Maxamed Dheere oo soo labo jeer wasiir kasoo noqday maamulka Hirshabeelle ayaa kasoo jeeda beesha Xawaadle/Hawiye ee gobolka Hiiraan.
Waxaa xisaabiyaha cusub lagu tilmaamaa mid ka mid ah saaxiibada dhow ee Faarax Cabduqaadir oo haatan ah Wasiirka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka, ahna xubin ka tirsan kooxda Damu Jadiid ee xukunka Villa Soomaaliya hadda joogta.
Xil ka qaadista Xisaabiyaha Guud waxay timid xilli Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta oo taageero kab miisaaniyadeed siin jiray Soomaaliya ay dhowaan u sheegeen dowladda inay joojin doonaan kabka ay bixin jireen sababo la xiriira musuqa xargaha goostay ee ka jira dalka, iyo iyadoo ay maqan tahay lacag bilyan doolar lagu qiyaasay oo laga heley xaraashka dhulalka Muqdisho, lacagtaas oo lagu eedeynayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si shakhsi ah u qaatay.

