SO | EN

SO | EN

Kooxda Al-Shabaab oo ku dhawaatay Masagawaa

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Xog  KAAB  uu helay ayaa sheegaya in kooxda Al- Shabaab ay kaabiga ku hayaan deegaanka Masgawaa ee gobolka  galgaduud halkaas oo ka mid ah deegaanadii kooxda laga saaray.

Sida wararka ay sheegayaan kooxda ayaa duleedka deegaankaas sidoo kale ka sameeyay arbushaad , taas oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid sahan  ah.

Qof ku sugan Masgawaa oo nala hadlay ayaa sheegay in   dhawr  jeer gudaha deegaankaas ay soo – galeen xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab dibna ay uga baxeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab hase ahaatee waxaa muuqanaya in awoodood ay kordhiyeen.

Si kastaba Dowladda ayaa ciidamo fara badan ku daabushay deegaano badna oo dalka ah sidaas oo ay tahayna waxaa ka dhacay iska hor imaadyada labada dhinac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News