Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Xog: ku saabsan kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee Qatar

|

Dooxa (Kaab TV) – Magaalada Dooxa ee caasimada waddanka Qatar waxaa Isniintii kulan ku yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Dooxa uu gurigiisa ku booqday Farmaajo oo bilihii lasoo dhaafay ku noolaa dalka yar, balse dhaqaalaha hodanka ee Qatar.

Sida ay ogaatay (Kaab TV), labada madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Farmaajo dadaallada ay dowladda ay ku bixinayso xoreynta dalka, si meesha looga saaro Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in guullo wax ku ool ah laga gaaray halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan in dalka oo dhan laga saaro kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa madaxweyne Xasan ku boggaadiyay dadaalkiisa ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay ee foolka fool ah oo ay yeeshaan labada madaxweyne, kadib markii uu Farmaajo baneeyay talada dalka, xilkana uu ku wareejiyay Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa wixii ka dambeeyay 15-kii May ee sanadkii 2022 oo uu dalku ka dhacay isbeddal siyaasadeed noqday dibadjoog, wuxuuna u dhexeeyay Turkiga iyo Qatar.

Si kastaba, kulankan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka, isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo laga soo hooyay guullo waa weyn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News