Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Xog ku saabsan qaraxii ciidanka 14 Oktoobar iyo tirada dhimashada oo kor u dhaaftay 40

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Faahfaahinno hor leh ayaa kasoo baxaya weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday askarta 14 Oktoobar ee ciidanka militariga ee ku sugnaa xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Tirada dhimashada oo sii korortay ayaa hadda la soo werinayaa inay gaareyso in ka badan 40, halka dhaawacuna uu yahay 73, sida ay sheegayaan ilaha amniga iyo qaar ka mid ah isbitaallada.

Qaar ka mid ah ehelada askarta oo salaada janaasada kula tukaday isbitaalka Madiina ayaa sheegay in afar askari ay goor dambe oo galabta u dhinteen dhaawacyo kasoo gaaray qaraxa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

War saxaafadeed ay soo saartay Al-Shabaab ayay ku sheegatay inay dileen 73 askari, halka ay dhaaweceen 124.

Hal nin oo ismiidaaiye ah

Al-Shabaab waxay intaa ku dartay in 250 askari ay ku sugnaayeen goobta markii, sida ay sheegeen, nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu soo dhexgalay askarta 14 Oktoobar oo ku sugnaa xerada aroornimadii hore abaare 8.15am waqtiga Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Kaab TV in nin dhalinyaro ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexda ka galay ciidanka oo saf ku jira waxyar ka dib xilliga quraacda ka dibna uu isku dhex qarxiyay.

Ciidanka 14 Oktoobar oo u badan beesha Biyamaal ayaa la sheegay in dhowaan laga soo qaaday magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen. Ilo wareed amni ayaa u sheegay Kaab TV in ciidankan loogu soo qaaday Muqdisho tababar.

Ciidankan 14 Oktoobar ayaa ah guuto la aas aasay ka dib qaraxii weynaa ee 14 Oktoobar 2017 ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Idaacadda ciidamada ayaa baahisay in baaritaan lagu sameynayo sababta keentay in qofka ismiidaamiyay uu galo xerada ciidamada, hase yeeshee warkaasi oo markii hore lagu faafiyay barta Facebook ee idaacadda ayaa laga tirtiray.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada ayaan illaa hadda war kasoo saarin weerarkan oo dhaliyay tuhun badan oo la xiriira qaabka loo beegsaday askar hal qabiil u badan kuwaasoo dhowaan laga soo qaaday gobolka Shabeellaha Hoose.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News