SO | EN

SO | EN

Xog kusaabsan Iscasilaada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somalia

|

Muqdisho (KAAB TV) – Iyadoo Wasiirka wasaarada arrimahada dibadda uu iscasilay waxa uuna warqadiisa iscasilaada uu ugudbiyay xafiiska reysalwasaaraha dalka xamze Cabdi Barre iyadoo aan la cadeyn Karin in uu xamze ka aqbalay iscasilaada wasiir Haruuse.

Abshir Cumar Haruuse oo sanad iyo bar soo ahaa wasiirka wasaaradad arrimaha dibadda Somalia ayaa door weyn kaqaatay afar qodob oo muhiim ah.

1 waa in Somalia laga cafiyo deyntii lagu lahaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

2 waa in Somalia ey kubiirto ururka bariga iyo bartamaha Africa.

3- waa in Somalia 30-sano kadib laga qaaday cunaqabateynta hubka.

4- waa in Somalia hesho xilka ugu sareeya ee urur goboleedka IGAD.

Inkastoo arrimahaasi la’aaminsanyahay in xafiiska madaxweynaha Somalia uu siweyn uga shaqeynaayay balse marwalbo wasaaradda arrimaha dibadda Somalia arrimahaasi waxey kuleheed door fiican.

Dadka qaar ayaa qaba in arrimaahsi eysan wax badan kagooyneenin damiciisa xukunka Puntland balse markii dhinac kale loo eego waa diiwaan kahor marinaayo tartamayaal badan.

Puntland ayaa hada aadeysa doorasho siciid Deni ayaana markale utartamaya xilka madaxtinimada ee maamulkaasi.

Inkastoo eyjiraan siyaasiyiin qaar oo Haruuse kuxiraaya dowladda dhexe hadane waxaa soo ifbaxaya in reysalwasaare xamze iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe iney marhore kaarkooda puntland saarteen musharax kale taas oo Haruuse kadhigeysa mid isagu garabka isku sida.

Doorashdii puntland ee 2019-kii ayaa madaxdii hore dowladda federaalka ee xilka haayay ayaa kaarkooda saartay hal musharax kaas oo kuharay wareega koowaad ee tartanka basle waxaa la’aaminsanyahay in villa Somalia ey xiriir wanaagsan laleedahay musharixiinta raadineysa kursiga madaxtinimo ee puntland lakiin dadka qaar ayaa aragti ahaan qaba in wasiir Haruuse uu iska sii joogo kursigiisa wasiirnimo oo uu udhakado kursiga reysalwasaaraha maadaama xili walbo ey wax isbadali karaan balse waxaa muuqata in uu qaatay in uu tijaabiyo ujeedka kuguuleysiga hadafkiisa ee Puntland.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News