Hargaysa (KAAB ) Shirar kala duwan ayaa ka dhacaya magaalada Hargaysa kuwaas oo looga hadlayo xiisadaha ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Soomaaliya.
Xogaha RBC uu ka helayo magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in madaxda sare ay isku khilaafeen in laga soo saaro ciidanka ka meelo ka mid ah gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn si loo abuuro jawi degan.
Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa sida la sheegay Muuse Biixi ka dalbaday in Ciidanka dagaalamaya laga saaro Gobolka Sool si wado lagu bilaabi karo wada-hadal.
Keliya ma aha Guddoomiyaha Barlamaanka qofka keliya ee dalbanaya in ciidanka laga soo saaro Laascanood , hase ahaatee waxaa hore u jiray madaxda maamulkaas oo Muuse Biixi Cabdi uu ka diiday in ciidanka laga soo saaro Laascanood.
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood halkaas oo buuraha u dhow maalintii afraad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC isla markaana uu dalbanayo in ciidanka laga saar SSC.
Dhamaan wada- hadalada lagu doonayo in Somaliland ay ugu saarto ciidankeeda Sool , sanaag iyo Cayn ayaa noqday kuwo khilaaf ay ka dhasheen , waxaana sii socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka iyo kooxaha kacdoonka ee diidan maamulka Somaliland.
Lama oga sida Xukuumadda Somaliland u aqbali doonto iyo in kale in ciidanka laga soo saaraha buuraha gobolka Soo lee dagaalada ay ka socdaan , inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in xiisada lagu dejiyo.