Muqdisho (KAAB TV) – Xogo kala duwan oo aan heleyno ayaa tilmaamaya in madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu wado qorshe u dib ugu soo celinaayo agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Mahad Maxamed Salaad.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daray in arrintan dib loogu soo celinaayo Mahad Salaad ay timid kaddib markii, Xisbiga u ka tirsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ay codsadeen in ay lagama maar maan tahay dib u soo celinta Mahad madaama ay taganyihiin xisaddo siyaasadeed oo u wado xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaa oo shirar ay kaga soo hor jedaan hannaanka ay wax u socdaan loona bahan yahay in wax laga qabto.
Dhanka kale, Soojeedinta xubnaha Xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ayaa lagu soo waramayaa in madaxweynuhu ku qancay, iyadoona wararku intaas ku darayaan in maalmaha soo socdo lafilaayo in dib loo magacaabo Mahad Salaad agaasimaha hay’adda Nabad Sugida, halka Cabdullaahi Sanbaloolshana loo magacaabi doono meelkale oo aan lasii shaacin hadda.
Sikastaba, Xubnaha Xisbiga UPD ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku qanciyay in Mahad Salaad uu yahay ninka ka hortagi kara halista mucaaradka Mudisho ku shirsanaa labadii maalin ee lasoo dhaafay, kuwaas hannaanka dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in talada siyaasadeed waxa laga siiyo.