Muqdisho (Kaab TV) – Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa galabta kulan khadka teleefoonka isugu keenay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf, Saalax Dhiblaawe (Saalax Dheere) oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha guud Suleyman Maxamed Maxamuud ayaa looga hadlay xorriyadda Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin.
Mas’uuliyiinta garsoorka ayaa Mahad Salaad u sheegay in Abdalle Mumin lagu siidaayey sifo sharci ah sidaasna ay ku doodayaan saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Mahad Salaad ayaa ka carooday jawaabta ay siiyeen mas’uuliyiinta garsoorka ee uu Khadka telefoonka isugu keenay.
Mahad Salaad ayaa amar ku bixiyay in haddii dib loo soo xiri waayo Abdalle Mumin muddo 2 maalmood gudahood ah in xillka laga qaadi doono dhammaan mas’uuliyiinta garsoorka. Waxaana uu siiyay muddo ku eg berito oo ah 15 Febraayo 2023. Waxay intaas ku dareen in taliska Ciidanka Asluubta ku adkeysanayaan inaysan heysan wax sharciyad ah oo ay ku soo xiri karaan Abdalle Mumin.
Kulanka kadib ayaa waxaa la wacay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Siciid Cali Maxamed (Gurey) oo la weydiiyay qaabka ugu fudud ee dib loogu xiri karo Abdalle Mumin. Intaas ka dib, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Siciid Gurey ayaa kula taliyay in xafiiska Xeer Ilaalinta ay berito soo gudbiyaan racfaan cusub oo ay ka qaadanayaan xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay gaartay 13 Febraayo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Siciid Gurey ayaa intaas ka dib codsaday in berito loo keeno racfaanka markaas ka dibna uu isago soo saari doono warqad cusub oo lagu soo xiri karo Xoghayaha SJS Abdalle Mumin oo ah rug cadaa saxaafadeed in kabadan mudo (25 sano) asagoo looga bartay uqareemista saxafiyiinta iyo arimaha xuquuqda aadanaha. Cabdalle tan iyo markii uu kubiiray saxaafada uqareemisteeda waxaa buugiisa taariiqda iyo. sooyaalka ugalay in uu noqday shaqsigiiugu horeeyay kadhex muuqda saxaafada. waxaa xusid mudan in safiirka mareekanka ufadhiya soomaaliya mr lerry Andre uu. saxaafda horteeda kasheegay in Cabdalle muumin uu yahay shaqsiga baray saxaafada soomaaliya.
Cabdalle muumin ayaa hada loo adeeg sanayaa shaati dowladeed oo ay kuhoos dugantahy. mid qabiil ah.