SO | EN

XOG: Odayaasha Dhulbahante oo ‘diiday’ casuumaadda madaxweyne Xasan Sheekh

|

Muqdisho (Kaab TV) – Odayaasha dhaqanka ee Dhulbahante ee ka kooban 33 oday ayaa la xaqiijiyay inay ‘iska diideen’ casuumaad uu u soo diray madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Odayaasha oo fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood ayaa la filayey inay tagaan magaalada Muqdisho si ay kulamo ula yeeshaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Afhayeenka guud ee Garaadada Dhulbahahte, Garaad Mukhtaar, ayaa xaqiijiyay in casumaad loo soo diray, balse aysan aqbalin sababo jira awgood.

Dagaalka Laascaanood

Sida ilo wareedyadu u sheegeen Kaab TV, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonayey inuu odayaasha dhulbahante keeno Muqdisho si uu ugala hadlo arrinta dagaalka Laascaanood, taasoo qeyb ka ah qorshe Villa Somalia ku dooneysay inay beesha Dhulbahante uga jarto ku xirnaanta Puntland oo ay heyb wadaagaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa dhowaan ka dhaadhiciyay xildhibaanada beelaha Sool iyo Sanaag inay xiriir la sameeyaan odayaasha dhaqanka si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka guud ee Garaadada ayaa xaqiijiyay in odayaasha ku sugan Laascaanood aysan safri karin waqtigan maadaama ay ku dhex jiraan xaalad dagaal oo waxkastaba la filan karo.

Odayaasha ayaa muujiyay inay xiise weyn u qabin la kulanka madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku eedeeyeen inuu horeyba uga gaabiyay wax ka qabashada xaaladda Laascaanood.

Villa Somalia illaa hadda si rasmi ah ugama hadlin casuumaadda odayaasha Dhulbahante iyo diidmada ay ka horkeeneen.

Dagaalka Laascaanood oo u dhexeeya maleeshiyaadka beelaha deegaanka oo ay taageerayaan maleeshiyaad ka yimid dhanka Puntland iyo ciidamada Somaliland ayaa socday tan iyo bishii Febraayo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 100,000 ay ku barakeceen dagaalka Laascaanood, iyadoo in ka badan 100 ruux ay ku dhinteen.

Doorashada Puntland iyo cabsida dagaal kale

Dadka ku sugan Laascaanood ayaa u sheegay Kaab TV in cabsi ay ka qabaan in dagaal kale uu ka qarxo magaalada.

Dhowaan ayuu madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, wuxuu ka digay in dagaal kale uu ka dhaco Laascaanood oo uu ku eedeeyay maamulka Somaliland inay qorsheeyeen dagaal maalinta 25 May 2023 oo ah maalinta Puntland ay ka dhici doonto doorashada la filayo inay ka qabsoonto illaa 33 degmo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland oo la xiriira cabsida dagaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News