MUQDISHO (KAAB TV) – Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa Agaasimihi Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya oo weli ku xiran xarunta dembi baarista booliska ee Muqdisho ayaa xilkiisa lagu wareejiyay qof kale.
Kaab TV ayaa heley xogta iyo warqadda magacaabista qofka kale, kaasoo mas’uul dowladda Muqdisho ka tirsan uu keensaday.
Cabdullaahi oo ah ninka xilka laga riixday weli waa eedaysane, dacawadiisa ay ka socoto Maxkamada Gobolka Banaadir. Waxaana uu ka mid yahay 9 ruux oo dhowaan lagu soo eedeeyay eedeymo musuqmaasuq.
Waxaa weli socda dhageysiga dacwadda, mana jirto wax go’aan ah oo laga gaaray kiisaska lagu eedeeyay 9 ruux, walow ayba soo bexeen fadeexado ku saabsan caddeymaha dacwadda oo qaarkood fashil ku yimid ka dib markii la sheegay in Xafiiska Hanti-dhowrka iyo Xeer ilaaliye ku Xigeenka Farxsaan Xuseen ay saameyn ku lahaayeen kiisaska qaarkood oo ay ka lahaayeen dano shakhsi ah.
Magacaabista Agaasimaha Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
Isaaq Xasan Taakow oo kasoo jeeda qaraabada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda lagu abaalmariyay xilka Agaasimaha Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Waa Agaasimihi labaad oo inta la xiro booskiisa qof loo magacaabayo isagoon dambi lagu helin.
Horraantii bishii July ayaa Yuusuf Xasan Isaaq loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, ka dib markii agaasimihii xilka hayey Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) la xiray isagoo lagu eedeeyay musuqmasuq.
Yuusuf Xasan Isaaq waxaa xiriir qaraabo kala dhexeeyaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe.
Xilliga la magacaabayo Yuusuf Xasan Isaaq ayaan weli maxkamad la geynin agaasime Cabdullaahi Suldaan.