XOG: Socdaalkii Xoghayaha IGAD Dr. Workneh ee Muqdisho

|

Isniintii, 16-ka Sebtembar, magaalada Muqdisho waxaa yimid Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD, oo hore u soo ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, sidoo kale ah Xubin Golaha Deegaanka magaalada Addis Ababa.

Dr. Workneh, oo ah Oromo 56 jir ah, wuxuu xilka IGAD hayay tan iyo bishii Nofembar 2019. IGAD waa urur goboleed ka kooban dalalka Jabuuti, Eritareeya, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Yugaandha.

Imaanshihiisa Muqdisho waxay daba socotay cabashooyin tiro beel ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Muqdisho u dirsaday IGAD, kuwaas oo tan iyo Juun 2024 si joogto ah loo qorayay.

Cabashooyinkaas ma saabsana arrimo Soomaali u dan ah, balse waxay ahaayeen dano gaar ah oo la xiriira shaqo u raadin shakhsiyaad iyo arrimo khaas ah oo Wasiirka iyo Xasan iyaga iyo qoyskooda raadinayeen. Badankood jawaab lagama soo bixin, in yar oo ka mid ahna waxaa lagu soo jawaabay cudur daar, (tusaale fiiri warqadda 10-ka Luulyo 2024).

Warqadda IGAD ee 10 Luulyo, 2024.
Warqadda IGAD ee 10 Luulyo, 2024.

Dr. Workneh waxaa xilkiisa loo cusbooneysiiyay muddo afar sano ah oo ka bilaabatay Nofembar 2023 oo ay madaxda IGAD isku raaceen shir ay martigalisay Yugaandha, wuxuuna hadda dhammeysanayaa sannadkiisii koowaad ee xilheynta cusub ee IGAD.

Waxaa jiray hadal been abuur ah oo laga sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho Isniintii, kaas oo sheegayay in IGAD ay la safatay Soomaaliya, balse warkaas waxba kama jiraan.

IGAD caadi ahaan way ka dhowrsataa ka faalloodka arrimaha xasaasiga ah ee u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah, gaar ahaan arrinta hadda taagan ee Itoobiya iyo Maamulka Xamar. Sababtaas awgeed ayuu Dr. Workneh iska ilaalinayay ka hadalka heshiiska MOU-ga Itoobiya.

Dhowr maalmood kaddib markii Dr. Workneh ka laabtay Muqdisho, IGAD waxay biladda Halyeyga Dalxiiska ee dalalka IGAD guddoonsiisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. IGAD waxay sheegtay in hoggaaminta Abiy ay door muhiim ah ka ciyaari doonto horumarinta dalxiiska waara ee waddamada IGAD, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

IGAD waxay biladda Halyeyga Dalxiiska ee dalalka IGAD guddoonsiisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
IGAD waxay biladda Halyeyga Dalxiiska ee dalalka IGAD guddoonsiisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News