Addis Ababa (Kaab TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa, caasimada Itoobiya, kulan gaar ah kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyiin oo ku sugan Addis Ababa.
Xog lagu daabacay boggaga Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulan saddex geesood ah oo dhex maray madaxda wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga uu ku soo idlaaday guul weyn. Sida ay sheegeyso Villa Soomaaliya, waxaa madashan looga wada hadlay arrimo muhiim u ah amniga, ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashiga.
Dalabka hubka ee Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga weydiistay hub isagoo aad uga cawday in dowladdiisa oo dagaal kula jirta kooxda argagixisada al-Shabaab aysan heyn awood ay ugu babac dhigto kooxda maadaama hubka ay ku dagaalamayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa al-Shabaab uu isku mid yahay.
Ilo diblomaasi oo ku sugan Addis Ababa ayaa u sheegay Kaab TV in madaxweynuhu ku yiri Talyaaniga “haddii aad dooneysaan inaan saaxiib dhab ah idiin ahaano, waxaan maanta idinkaga baahanahay inaad nagu taageertaan hub.”
Hase yeeshee Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga waxay Xasan Sheekh u sheegtay inay dalabkiisa dib ugu celin doonto golaha amniga ee dalkeeda. Waxay kaloo xustay caqabadda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Sara Creta oo ah saxafiyad Talyaani ah oo wax-baarta ayaa sheegtay in doodda ku saabsan hubka ay ahayd mid xooggan intii ay socdeen kulamada Addis Ababa.
Dowladda Xasan Sheekh ayaa bishii Nofembar 2022 codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka, hase yeeshee waxaa diiday dalabkaasi dowladaha reer galbeedka.
#Meloni’s visit to #Ethiopia to discuss “coffee & energy” + a meeting is also scheduled with Somali president Hassan Sheikh Mohamud, to stipulate a tripartite agreement to “strengthen security in #Somalia“.
Again, weapons. pic.twitter.com/p0QuttRhaB
— Sara Creta (@saracreta) April 14, 2023
Markale ayaa bisha Nofembar ee sannadkan loo ballansan yahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay fadhi ka yeesho arrinta cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
ENI iyo shidaalka Soomaaliya
Dalabka hubka ee Xasan Sheekh u gudbistay Talyaaniga ayaa yimid iyadoo Shirkadda ENI ee dalka Talyaaniga, oo hore loo dhihi jiray Agip, ay bishii Jannaayo 2022 dib u bilowday qodista shidaalka ee ceelka Mlima-1 ee Block L11B ee gacanka Lamu.
Dooxani waxa uu ku fidsan yahay xuduudka Kenya, Soomaaliya illaa Tanzaaniya.
Ceelka shidaalka ee ENI ay ka hawlgashay ayaa ku yaalla dhul badeedka lagu muransan yahay ee Soomaaliya kaasoo sabab u ahaa ismaandhaaf diblamaasiyadeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.
Soomaaliya ayaa dacwad ku saabsan 100,000 kiilo mitir oo isku wareeg ah oo dhanka badda ah oo la rumeysan yahay in ay ku jiraan kaydad shidaal iyo gaaska dabiiciga ah iyo macdanta, u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) sannadkii 2014.
Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ayaa badi dhul badeedka lagu muransan yahay u xukuntay Soomaaliya bishii Maarso 2021, hase yeeshee Kenya ayaa diiday go’aanka maxkamadda.