Jiddah (KAAB TV) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lafilayaa in maanta oo Isniin ah uu ka dego magaalada JiddaH ee boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo la rajeynaayo in uu ka furmo wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ukraine.
Sidoo kale, Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa qeyb ka ah, dadaalka uu maamulka Donald Trump ku bixinaayo soo afjaridda dagaalka u dhaxeeysa Ruushka iyo Ukraine.
Sida ay shaacisay Waaxda Arrimaha Dibadda, Rubio ayaa hoosta ka xarriiqay go’aanka Madaxweyne Trump ee ah inuu joojiyo dagaalka sida ugu dhaqsiyaha badan, isaga oo ku nuux nuuxsaday in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay qaadaan tillaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta, hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha oo uu khadka telefoonka kula hadlay.
Dhanka kale, Madaxweyne Zelenskyy ayaa isna maanta lafilayaa in uu gaaro dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmi doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salamaan.
Marka uu Zelenskyy dib ugu laabto dalkiisa Ukrain, waxaa Sacuudiga kusii sugnaan doono saraakiil isugu jirta dablamaasiyiin iyo kuwo millatari oo uu hoggaaminayo, agaasimaha madaxtooyada Ukraine Andriy Yermak.
Wafdigaas oo wadahadallo la yeelan doono wafdi ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiirka arrimaha dibadda Andrii Sybiha, wasiirka gaashaandhigga Rustem Umerov, iyo taliyaha ciidanka millatariga Pavlo Palisa.
Dhanka Wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminaya, Xoghaya Arrimaha Dibadda Marco Rubio, waxaase qeyb ka ah la taliyaha amniga qaranka Mike Waltz iyo ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff.