SO | EN

SO | EN

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo joojiyay booqashadii Kenya

|

NAIROBI (Kaab TV) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa si lama filaan ah u baajiyey booqashadii uu ku imaan lahaa dalka Kenya toddobaadka soo socda.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in sababaha keentay go’aankan ay yihiin xiriirka sii xoogeysanaya ee dowladda Kenya la yeelatay Shiinaha, eedeymaha musuqmaasuqa ka dhanka ah saraakiisha sare ee dowladda, iyo xiriirka ay Kenya la leedahay kooxaha falaagada ee ka dagaalama Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC) iyo kooxda hubeysan ee RSF ee waddanka Suudaan.

Rubio ayaa la filayey inuu gaaro Nairobi 28-ka Abriil, taasoo noqon lahayd safarkiisii ugu horreeyey ee Afrika tan iyo markii uu xilka la wareegay Janaayo, kadib magacaabistiisii Madaxweyne Donald Trump.

Waxa kale oo uu qorshuhu ahaa inuu booqdo Itoobiya.

Balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in safarkii la baajiyey, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta.

Go’aanka Mareykanka ayaa yimid kadib safarkii shanta maalmood ee Madaxweynaha Kenya William Ruto ku tegay Shiinaha, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Raiisul Wasaaraha Li Qiang, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Zhao Leji.

Safarka Ruto ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.

Afhayeenka Madaxtooyada Kenya, Hussein Mohamed, ayaa sheegay in safarku uu dhisayay iskaashigii istiraatiijiyadeed ee 2017-kii la bilaabay, isagoo xusay in Kenya ay tahay waddanka ugu saameynta badan Afrika ee ka qayb qaata mashruuca Belt and Road Initiative (BRI) ee Shiinaha.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, xaaskiisa Rachel Ruto iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Shiinaha Jimcihii. | SAWIRKA/ Madaxtooyada Kenya.
Madaxweynaha Kenya William Ruto, xaaskiisa Rachel Ruto iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Shiinaha Jimcihii. | SAWIRKA/ Madaxtooyada Kenya.

Intii uu joogay Shiinaha, Ruto ayaa khudbad uu jeediyey ku cambaareeyey duullaanka Ruushka ee Ukraine, isagoo sidoo kale dhaliilay codkii Mareykanku ka dhiibtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo la safnaa Ruushka—arrintaas oo sii xumeysay xiriirka Washington iyo Nairobi.

Mareykanka oo hakiyay deeqdii caalamiga ahayd

Mareykanka ayaa sidoo kale ka walaacsan martigelinta kooxdii falaagada ee RSF ee Suudaan oo lagu sheegay inay joogeen Nairobi, iyo taageerada ay dowladda Ruto la saftay kooxo hubeysan oo ka dagaalama bariga DRC.

Xilli la filayo in Mareykanka uu xiro illaa 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood oo ku yaalla Yurub iyo Afrika, waxaa la sheegay in safaaradaha laga xirin karo Afrika ay ka mid yihiin: Central African Republic, Congo, Eritrea, Gambia, Lesotho, iyo Koonfurta Suudaan. Qunsuliyadaha Douala (Cameroon) iyo Durban (Koonfur Afrika) ayaa sidoo kale lagu wadaa in la xiro.

Mas’uulka ugu sarreeya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Troy Fitrell, ayaa sheegay in diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afrika lagu wargeliyey inay mudnaanta siiyaan taageerada shirkadaha Mareykanka si ay ugu guuleystaan heshiisyo ganacsi oo cusub.

Warar kale ayaa sheegaya in shirkado Mareykan ah oo horay u ballanqaaday maalgashi balaadhan oo ay ku samayn lahaayeen Nairobi ay hadda ka noqdeen qorshahoodii, sababo la xiriira musuqmaasuqa hareeyey hay’adaha dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Kenya ay weyday fursado maalgashi oo malaayiin doolar ah oo la filayey inay ka helaan booqashadii Madaxweyne Ruto ku tagay Aqalka Cad sanadkii hore.

Xaaladdu waxay kasii dartay kadib markii Madaxweyne Trump uu xannibay hawlihii hay’adda USAID oo ahayd hay’addii Mareykanka u qaabilsan deeqaha horumarinta caalamiga ah, taasoo meesha ka saartay rajadii Kenya ee taageerada dhaqaale ee Mareykanka.

Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin arrinta baajinta booqashada Rubio.

Balse baraha bulshada ayay dad badan ku dhaleeceeyeen waqtiga uu Madaxweyne Ruto doortay inuu booqdo Shiinaha.

“Madaxweyne Ruto wuxuu doortay waqti aad u xun oo uu u safro Shiinaha – xilli uu jiro dagaalka ganacsiga u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha! Maanta Mareykanka wuxuu u arkaa Ruto inuu yahay khiyaanoole,” ayuu bartiisa X (hore Twitter) ku qoray Steve Mbogo.

Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Machakos, Francis Mwangangi, ayaa u sheegay wargeyska People’s Daily in baajinta booqashada Rubio ay aad ugu badantahay inay sabab u tahay arrimo la xiriira musuqmaasuqa iyo xiriirka Kenya la leedahay kooxaha falaagada ee ka dagaalama DRC iyo Suudaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News