Addis Ababa (Kaab TV) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa sida an kasoo xiganay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay.
Axmed Madoobe oo horay usii joogay caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa aya kulamo gar-gar ah laqaatay R/wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha maamulka Soomaalida Mustafe Cagjar.
Siciid Deni ayaa lafilayaa maalmaha soo aadan in uu gaaro caasimada dalka itoobiya wararka qaar ayaa sheegaya in uu halkaas kulan gaar kula qaadan doono madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Xiriirka labada maamul ayaa mudooyinkii udambeyay sii yaraanayey waxayna u muuq deen kuwa an kula harin go’aanada.
Siciid deni ayaa bilihii lasoo dhaafey xiriirka ujaray dowladda federaalka isagoo ka careysan in aan lasiinin xilka R/wasaaraha eyna seegtay Puntland.
Sidoo kale maalmihii udambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in Puntland ay gadaal kariixeyso mooshinka R/wasaare Xamze.