SO | EN

SO | EN

Xogta gaarigii lagu weeray godka Jilacow oo lasoo bandhigay halka uu kasoo galay Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAb TV) -Kooxda Al Shabaab, ayaa shalay galab taliska hay’adda Nabbadsugida iyo sirdoonka ee gobolka Banaadir ee Godka Jilacow ku weerartay gaari dagaal oo loo ekeesiiyay kan NISA, kaa oo qaraxyo laga soo buuxiyay, sidoo kale la socdeen rag hubeysan.

Sida muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada laga daawaday , gaariga loo ekeesiiyay kan NISA iyo ragga hubeysan ee la socday , ayaa magaalada Muqdisho kasoo galay dhinaca Shabeelaha Hoose, gaar ahaan waxa uu kasoo gudbay Ex-koontarool afgooye, isaga oo sidoo kale soo maray koontaroolo badan.

Gaariga Cabdi Bilaha ee qaraxyada laga soo buuxiyay , sidoo kale la socdeen ragga hubeysan ayaa isaga oon marnaba la baari tagay xatunta NISA ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro saacado badan socday , khasaarooyin kala duwana ka dhasheen.

Laamaha amniga, ayaana wada baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan weerarka lagu qaaday Godka Jilacow, waxaana la filayaa in dowladda soo saarto go’aanno kale oo culus oo lagu xoojinayo amniga caasimadda

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News