Muqdisho (KAAB) – Shirar kala duwan ayaa la xaqiijinayaa in magaalada Muqdisho ay ku dhaxmarayaan madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Shirarkan ayaa inta badan waxa looga hadlayaa arrimo ku saabsan sidii loo buuxin lahaa boosaska xubnaha wasiirada ee ka maqan Golaha wasiirada oo ay ugu horeeyaan wasiiradda arrimaha dibadda iyo Amniga.
Puntland ayaa dhawaan sheegtay in ay Dowladda Hassan Sheekh ay ugu maqan tahay xisaab – loona baahan yahay in la xiro , maadama Puntland hanaanka awood qaybsiga dowladda dhexe ay ku leeyihiin hadda arrimaha dibadda.
Waxaa aad loo dhawrayaa in sidoo kale isbedel uu ku yimaado boosas muhiim ah oo ka mid ah wasaaradaha kuwaas oo loo arko in wax badan oo la taaban karo aysan soo kordhin – labadii sano ku dhaw ee ay jirto dowladda.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in ay wali madaxda sare ku adag tahay, kala doorashada in ay Isbedel qancin ah sameyaan oo guud iyo in ay kuraasta banaan uun kaliya buuxiyaan.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku howlan sidii uu isbedel ugu sameyn lahaa Dastuurka KMG oo buuq badan uu ka taagan yahay taas waxa la leeyahay waa qayb ka mid ah waxa keenay in dib loo dhigo magacaabista xubnaha cusub ee Wasiiradda.
Waxa ay ahayd ayaa la sheegayaa in mar hore ay dhacdo isku shaan- dhaynta Golaha Wasiirada laakiin daaha faraha badan ay sabab u tahay qorshaha Villa Soomaaliya ee arrimaha Dastuurka , waxaana la sheegayaa in Xasan uu doonayo in isku shaandhaynta ay dhacdo marka la meel mariyo Dastuurka.