Aadan Yabaal (KAAB TV) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay lagu qaaday qaybo kamid ah gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaafiicda ayaa lasoo wariyay in lala beegsaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin halkaasi, balse ma geysan wax khasaare ah.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay madaafiicda kasoo tuurayeen duleedka degmada, kadibna ay ka hortag sameeyeen ciidamada huwanta.