SO | EN

SO | EN

Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya: Maxkamadda Banaadir oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska Abdalle Mumin

|

Muqdisho (Kaab TV) – Dhageysiga afraad ee kiiska xorriyadda saxaafadda Soomaaliya ee uu hormuudka u yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS), isla markaana ah Xoghayaha Guud ee dalladda badqabka saxafiyiinta ee SMSJ Cabdalle Axmed Mumin ayaa markale dib loo dhigay, sida ay xaqiijiyeen qareennada difaaca.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dacwaddan qaadeysa ayaa saaka oo Arbaco ah sheegtay inay dib u dhigtay dhageysiga afraad sabab ay ku sheegtay “duruuf amni”. Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyay, lama sheegin goorta kale ee la dhageysan doono kiiskan oo muhimad weyn u leh xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya oo dhan.

Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Mumin iyo qareenadiisa.

Marxalidihii kiiskan uu soo maray

Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Mumin ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho 11 October 2022, waxaana lagu xiray Godka Jilacow oo dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku dhawaaqday inay xirtay bishii December 2018, balse uu hadda dib u furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Abdalle loo wareejiyay xarunta dembi-baarista booliska ee CID ka dib markii hay’adda nabadsugidda ee NISA ay ku gacanseyrtay dalab uga yimid Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala oo dalbaday in lagu sii hayo Godka Jilacow.

Xarigga Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yimid maalin ka bacdi markii koox hubeysan oo ka tirsan NISA ay weerareen xafiiska SJS, taasoo daba joogtay shir jaraa’id oo wadajir ay u qabteen shanta urur ee warbaahinta Soomaalida ugu caansan ee kala ah: SJS, SOMA, FESOJ, SIMHA iyo dallada SMSJ 10 October 2022.

Shirka jaraa’id ee wadajirka ah iyo war saxaafadeedka qoraalka ee ururradu soo saareen ayaa looga cabanayey war saxaafadeed uu soo saaray Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala oo lagu doonayey in la caburiyo xorriyadda saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya.

Shuruudo lagu xiray siideynta Abdalle Mumin

Guddi ay magacawday Wasaaradda Warfaafinta maalin ka dib xariggii Xoghayaha SJS ahna Xoghayaha dalladda SMSJ Abdalle Mumin ayaa 15 November 2022 kulan ay la yeesheen Abdalle Mumin ayna ka qeybgaleen qaar ka mid ah madaxda ururrada saxaafadda ayaa lagu soo bandhigay labo shuruud oo ku xiran xorriyadda Cabdalle Mumin .

Laba shuruud ayaa kala ah: in Abdalle Mumin uu ka tanaasulo shaqada u doodista xorriyadda warbaahinta iyo ka hadlidda tacaddiyada ay geysaneyso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in ururrada saxaafadda ee sida wadajirka ah u soo saaray war saxaafadeedka ay ka laabtaan war saxaafadeedkoodii 10 October 2022.

Labadan shuruud ayaa gebi ahaanba la isku mari waayey, waxaana sidaas ku fashilmay kulankii dhacay galabnimadii 15 November 2022.

Inkastoo muddadii uu dalbaday xafiiska xeer ilaalinta ee 45 cisho ay dhammaatay 26 November 2022, haddana waxaa dib loo dhigay waqtiga ay maxkamaddu dhageysan doonto kiiska oo la gaarsiiyay 4 January 2023 walow aysan jirin wax sharci ah oo dhigaya in muddo 38 maalmood ah dib loo dhigo dhageysiga kiiska sabab la’aan.

Dhageysiga Maxkamadda Gobolka Banaadir

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bilawday dhageysiga kiiskan 4 January 2023, waxaana xusid mudan in markale xafiiska xeer ilaalinta uu keenay eedeymihii hore oo wax ka baddal lagu sameeyay isla markaana ay taariikhda warqadda eedeynta ka khaldan tahay taasoo ahayd 4 January 2022. Xeer ilaalinta ayaa arrintan ku sheegtay “khalad farsamo”.

Illaa hadda waxaa dhacay saddex wareeg oo dhageysi ah oo qaarkood su’aalo lagu weydiiyay Xoghaye Cabdalle Mumin kuwaasoo kala ahaa 4 January, 15 January iyo 19 January.

Yaa gadaal ka riixaya kiiskan?

Sida ay xaqiijiyeen qareenada difaaca laguna soo bandhigay cadeymaha maxkamadda la horgeeyay, waxaa kiiskan gadaal ka riixaya Cabdiraxmaan Cadaala oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo la sheegay inay Cabdalle Mumin si shakhsi ah isugu dheceen marhore.

Cabdalle Mumin ayaa dhageysigii 15 January 2023 maxkamadda ka hor sheegay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cadaala uu dhexmaray khilaaf lacag ka bilowday, kaasoo salka ku hayay dalab laaluush weydiisasho oo uu Cabdalle Mumin iska diiday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News