SO | EN

SO | EN

Xubnaha mucaaradka oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Raaskambooni.

|

KISMAAYO (KAAB TV) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Siyaasiyiintan oo qayb ka ah xubnaha mucaaradka dalka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta ay wada dagaalamaan ciidamada Soomaaliyeed dhexdooda.

Sidoo kale waxa ay eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen inuu xalka ku raadinayo awood iyo inuu dhiig daato.

“Waxaa ayaandaro ah in MW Xasan oo Khudbadiisii Masaajidka ku sheegay in isaga iyo Axmed Madoobe ay Doorasho keliya isku hayaan oo khilaafka ku xaliyo xabad iyo dhiig taada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News