SO | EN

SO | EN

Xukuumadda Somaliland oo dil ku fulisay ragg niman askar ah ku dilay Hargeysa iyo Gabiley

|

Hargeysa (KAAB TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Shibil Saalax Isaaq, oo Gabiley ku dilay Buux Mawliid Ismaaciil, oo ahaa askari booliis ah, iyo Maxamuud Cali Nuur, oo dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska ee Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cali Cabdi Nuur.

Dilkan qisaasta ah, oo la fuliyey saaka aroornimadii hore, ayaa ka dhacay nawaaxiga Xabsiga Dhexe ee Madheera, ee gobolka Saaxil. Dilka ayaa la fuliyey kadib markii Maxkamadda Ciidamadu ay si buuxda ugu heshay dambiyada ay geysteen.

“Xeer-Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qaranka JSL ayaa saaka fulisay qisaasta gacan-ku-dhiiglaha Ex-Askari Maxamuud Cali Nuur, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, iyo gacan-ku-dhiiglaha Shibil Saalax Isaaq Muxumed, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Askari Booliis Buux Mawliid Ismaaciil,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska.

Qisaastan, oo noqotay tii ugu dhakhsaha badnayd ee la fuliyo, ayuu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, shalay qalinka ku duugay si loo oofiyo qisaasta Shibil iyo Maxamuud, kadib markii ehelada askartii ay raggani dileen ay codsadeen in qisaasta la dedejiyo.

Maxkamadda Militariga Somaliland ayaa hore u go’aamisay in si degdeg ah loo dilo askariga dila askari kale. Haddaba, ninka dilay Taliyaha Saldhigga Maxamed Mooge wuxuu ahaa askari, halka ninka Gabiley ku dilay askariguna uu ahaa shacab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News