SO | EN

SO | EN

Xulka Kubada Cagta Somalia oo kudhawaaqay liiska xulka kumatali doona Koobka Aduunka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Tababaraha xulka Kubbadda cagta Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa goordhaw  ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee xulka Soomaaliya ku matali doonaa koobka Isreebreebka adduunka 2026.

Sidoo kale, Macalin Rachid Lousteque ayaa ku dhawaaqay magacyada 35-ciyaaryahan oo kusoo baxay liiska hore ciyaartoyda Qaranka ku matalaya is reeb reebka koobka adduunka ee lagu wado in uu dhaco sannadka 2026.

Dhanka kale, Ciyaartoyda macalinka xulka Soomaaliya ku dhawaaqay ayaa isugu jira kuwa ka ciyaara horyaalka Soomaaliya iyo sidoo kale ciyaartoy kale oo iyana ka ciyaaro waddamo kuyaalla caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Amerika.

Ugudambeyntii, Xiddiga macalin Rachid Lousteque ku dhawaaqay waxaa ku jira kuwa horey Qaranka Soomaaliya usoo matelay iyo wajiyo kale oo cusub, waxaa sidoo kale ciyaartoyda kamid ah kuwa u ciyaara kooxo waa weyn oo ka dhisan Yurub iyo Amerika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News