SO | EN

SO | EN

Xuseen Sheekh Maxamuud oo iska casilay Aagaasimaha Villa Somalia

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa soo baxaya war ku saabsan inuu baneeyay xilka Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo saaxiib dhaw lahaa Madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud

In muddo ahba waxaa la hadal hayay in Xuseen uu damac kaga jiro xilka  Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed  ka dib markii waqtiga uu ka dhamaaday Cabdicasiis Laftagareen.

Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa iska casilay xilkiisii Agaasimaha, waxa uuna istaqaallada u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Agaasimaha waxa uu  kaalin ku lahaa  in madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya uu ku soo baxo hoggaanka dalka , waxaana uu ka mid yahay xisbigiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in agaasimaha xilka ka tagay ee Xuseen uu raadinayo inuu u tartamo xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhammaadkii bishii May 2022-ka ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya, isagoo kamid ahaa raggii sida aadka ahaa uga dhex muuqday ol’olihii doorashada ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiriirka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo weli kursiga ku fadhiya iyo kooxda Villa Soomaaliya ayaa waayadan danbe sii xumaanayey, gaar ahaan tan iyo markii la isku fahmi waayey qabashada doorashada maamulka Koonfur Galbeed taasoo siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ay u hanqal taagayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News