Xuutiyiinta oo dib u celiyay 7 markab oo marayay Badda Cas iyo Bab al-Mandeb

|

Ugu yaraan toddobo markab oo shidaal sida ayaa dib uga laabtay marinnada Badda Cas, ka dib markii ay heleen digniino uga yimid maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in mar kale carqalad xooggan ku timaado isu socodka ganacsiga iyo dhoofinta shidaalka caalamka.

Sida ay werisay Reuters, afar ka mid ah maraakiibta shidaalka ayaa Arbacadii beddelay waddadoodii kana fogaaday marin-biyoodka Bab al-Mandeb, halka saddex kale oo ku sii jeeday Hindiya iyo Shiinaha ay Talaadadii dib u laabteen, iyagoo doortay waddo dheer oo sii marta Kanaalka Suweys si ay uga fogaadaan khatarta amni.

Dhanka kale, markab xamuul oo qaada baabuurta kana tirsan shirkadda maraakiibta ee Shiinaha, Cosco, ayaa isna dib u laabtay isagoo marayay Gacanka Cadmeed, kadib markii uu helay farriin email ah oo uga timid Xuutiyiinta, taasoo looga digayay inuu u safro dekedaha Sacuudiga.

Warbixintan waxaa baahisay shirkadda amniga xogaha maraakiibta ee Lloyd’s List.

Xuutiyiinta ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay xannibaad dhinaca badda ah ku soo rogeen marin-biyoodka Bab al-Mandeb, maalmo uun kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay inay halkaasi geeyeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo lagu beegsan karo maraakiibta isticmaasha marinkaasi.

Inkasta oo ay jiraan digniino iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan, ilaa hadda lama soo sheegin wax weerar ah oo lagu qaaday maraakiibta maraysa Bab al-Mandeb ama Badda Cas.

Badda Cas iyo Baabul Mandab.
Badda Cas iyo Baabul Mandab.

Xaaladdan ayaa imanaysa iyadoo Iran ay marar badan muujisay inay taageersan tahay xiritaanka marin-biyoodka Bab al-Mandeb haddii xiisadda kala dhexeysa Mareykanka sii kororto.

DHEERAAD:  Xuutiyiinta oo gubay markab shidaal oo Sacuudiga leeyahay

Bishii Abriil, Ali Akbar Velayati, oo ah la-taliye sare oo u dhow hoggaanka Iran, ayaa sheegay in Mareykanku Bab al-Mandeb u arko muhiimad la mid ah tan marin-biyoodka Hormuz.

Toddobaadkii hore, Reuters ayaa soo xigatay laba sarkaal oo sare oo Iiraani ah iyo ilo kale oo gobolka ah oo sheegay in Tehran ay Xuutiyiinta ka codsatay inay diyaar u ahaadaan xiritaanka Bab al-Mandeb haddii Mareykanku weeraro kaabeyaasha tamarta ee Iran.

Ilo kale ayaa sheegay in kooxda ay durba diyaarisay gantaallo iyo diyaarado drones ah, iyagoo sugaya amar lagu bilaabo weerarro.

Bab al-Mandeb waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Sida ay sheegtay Hay’adda Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka (EIA), qiyaastii 4.1 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii ayaa maray marinkaasi sannadkii 2024, halka marin-biyoodka Hormuz uu sannadkii 2025 maray ku dhowaad 20 milyan oo foosto maalintii.

Marinkan ayaa sidoo kale muhiim u ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee loo sii gudbiyo suuqyada Aasiya. Qiyaastii 7 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii ayaa dhuun shidaal looga qaadaa magaalada Yanbu ee ku taal xeebta Badda Cas, ka hor inta aan maraakiibta looga sii gudbin Bab al-Mandeb.

Xiisaddan cusub ayaa soo baxaysa maalmo kadib markii Sacuudiga uu ku dhawaaqay inuu dib u soo celiyay awooddii buuxda ee dhuunta shidaalka Yanbu oo gaareysa 7 milyan oo foosto maalintii, kadib markii ay hore u waxyeelleeyeen weerarro loo maleynayo inay ku lug lahaayeen gantaallo iyo diyaarado drones ah oo ay taageerto Iran.

Haddii Bab al-Mandeb la xiro ama uu amnigiisu sii xumaado, waxaa la filayaa inay si weyn u saameyso ganacsiga caalamiga ah, qiimaha shidaalka iyo isu socodka maraak

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News