SO | EN

SO | EN

Xuutiyiinta oo gantaal ku dhuftay markab shidaal oo UK leedahay

|

NAIROBI (KAAB TV) – Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Britain ayaa gubanaya ka dib markii Jimcihii lagu dhuftay gantaal ay soo tuureen Xuutiyiinta ku sugan xeebaha Yemen.

Xafiiska Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee UK (UKMTO) ayaa ka sheegay inay dhacdada ka dhacday meel 60 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta magaalada Cadan Jimcihii, iyagoo sheegay in “markabkii iyo shaqaalihii la socday way bad qabaan, wax khasaare ahna lama soo sheegin”.

Arrintan ayaa timid ka dib dhacdo hore oo la sheegay in laba gantaal oo ay soo rideen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku qarxeen biyaha.

UKMTO waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Ingiriiska lagu wargeliyay oo ay ka jawaabayaan weerarkan ugu dambeeyay, iyagoo uga digay maraakiibta kale inay si taxaddar leh ugu gudbaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ciidamadooda badda ay fuliyeen howlgal ay ku bartilmaameedsadeen “markabkii shidaalka qaada ee British-ka ahaa ee Marlin Luanda” oo marayey gacanka Cadmeed, kaasoo sababay in dab uu ka kaco.

Si kastaba ha ahaatee, xogta maraakiibtu waxay sheegeysaa in markabka uu ku shiraacanayey calanka jasiiradaha Marshall.

Waxay adeegsadeen “gantaalada badda ee ku habboon, weerarku wuxuu ahaa mid toos ah,” afhayeenka milateriga ee Xuutiyiinta, Yahya Sarea, ayaa bayaan ku yiri.

Dowladda Britain ayaan weli ka hadlin sheegashadaas.

Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah u bilaabay weeraro ay ku qaadayaan maraakiibta ku sugan Badda Cas tan iyo bishii November dagaalka Israel ay ku qaaday Xamaas ee Marinka Gaza.

Laakiin waxay si joogto ah u beegsadaan maraakiibta aan xiriir cad la lahayn Israa’iil, kuwaas oo khatar gelinaya dhoofinta dariiqa muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah.

Marka laga soo tago duqeymo badan oo dhanka cirka ah oo lagu qaaday bartilmaameedyada muhiimka ah ee Xuutiyiinta, UK iyo Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabatayn ku bartilmaameydsanaya dadka muhiimka ah ee kooxda xagjirka ah ee Xuutiyiinta ay taageerto Iran.

Duqeymaha labaad ee UK iyo Mareykanka, oo la fuliyay bilowgii usbuuca, ayaa u muuqda in aysan waxba ka qabanin joojinta ficilka Xuutiyiinta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News