BOOSAASO (Kaab TV) – Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa la sheegay inay gantaal ku rideen dhanka Israa’iil, kaasoo dul maray hawada Soomaaliya.
Dowladda Israa’iil ayaa maanta oo Talaado ah xaqiijisay inay ku guuleysteen ka hortagga gantaal laga soo riday Yemen ka hor inta uusan gudaha u gelin Israa’iil.
Tani waxay keentay in la maqlo codadka nidaamyada difaaca gantaallada ee Israa’iil.
Kooxda Xuuti Ansar Allah ee Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo xaqiijiyay inay sii wadi doonaan ku ganidda gantaallada ee dhanka Israa’iil.
Weerarkan ma uusan sababin wax khasaare ah, hase yeeshee wararka ayaa tilmaamaya in cabsi badan ay soo wajahday shacabka Israa’iil.
Xuutiyiinta Yemen ayaa heysta gantaallo iyo hub kale oo casri ah oo ay siisay Iran.
Hubkan ayay inta badan u adeegsadaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ku socda Badda Cas iyo iney dhowr jeer gantaallo iyo diyaarado iswada oo qaraxyada sida ku tuuraan dhanka Israa’iil.