Yemen (KAAB TV) – Afhayeenka militariga ee Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay in ay soo rideen diyaarad aan duuliyaha lahayn oo uu leeyahay Mareykanka, MQ-9 Reaper, tan oo ka dhigan diyaaraddii 15 ee noocan ah oo Xuutiyiinta ay ka soo ridaan Mareykanka, tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2023.
Sidoo kale, mid kasta oo ka mid ah diyaaradan ayaa qiimo ahaan joogta $33 milyan, isku darku waa inay Xuutiyiinta gaarsiiyeen Mareykanka khasaare gaaraya $495 milyan doollar.
Dhanka kale, diyaarada MQ-9 Reaper, wuxuu Mareykanka u muujin jiray hagar daamo aan laga baxsan karin iyo diyaarad ay ku xiran yihiin tiknoolajiyad u fududeynaysa xaalad kasta inay weerarro ku fuliso, mid ka mid ah weerarradii ugu caansanaa ee diyaaradan dunidda ka fulisay waa weerarkii lagu dilay taliyihii ciidanka ilaalada kacaanka Iran ee Quds, Qasem Soleimani.
Sikastaba, Iran ayaa ku guuleysatay 20 bishii June ee sannadkii 2019 inay soo rido diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee RQ-4A Global Hawk BAMS-D oo Mareykanka uu soo saaro, tan oo la aaminsanyahy inay tahay nooca ugu sarreeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka heysto, iyadoo qiimo ahaan ay ka badan tahay $100 milyan oo dollar