Tel Aviv (KAAB TV) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa sii xoojiyay weerardaa gantaalada u adeegsanayaan oo ay ku qaadaayaan magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil, waxa ayna saakay mar kale weerar culus ku qaadeen qeybo kamid ah caasimadda Israa’iil.
Sidoo kale, War kasoo baxay Xuutiyiinta ayey ku sheegeen in gantaal ballistic ah oo noociisu yahay “Falastiin 2” iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion, waxa ayna kooxda sheegtay in weerarkan jawaab u yahay weeraro Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Yemen.
Xuutiyiinta warka kasoo baxay ayey ku sheegeen in gantaalada ay ku weerareen Israa’iil gaareen bartilmamaeedkii loogu tala galay, hasa ahaatee Israa’iil ayaa warkaasi beenisay, waxa ayna tilmaameen in laga hortagay gantaalka ay Xuutiyiinta kusoo weearreen.
Dhanka kale, Xiisada u dhaxeysa Israa’iil iyo Xuutiyiinta ayaa kasii dartay, kaddib weerarkii ciidamada Israa’iil ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca iyo bartyilmaameedyo kale, waxaana duqeymaha Israa’iil ku dhintay lix qof oo shacab ahaa sida ay shaaciyeen Xuutiyiinta.
Sikastaba, Weerarada ay Xuutiyiinta ku qaadaan gudaha Israa’iil ayaana abuuray saameyn badan iyo cabsi, waxaana laga cabsi qabaa in Xuutiyiinta ay hadda sii xoojiyaan weerarada duqeymaha ah ay ku qaadayaan gudaha dhulka Israa’iil maamudho.