Garoowe (KAAB ) Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirwayne ujeedkiisu uu yahay dib u heshiisiin madaxdii hore , madaxda hadda iyo qaybaha bulshada Soomaalidda.
Shirkan waxaa ku baaqay madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaana ku raacay , madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa qorshuhu yahay in madashan lagu gorfeeyo xaaladda dalka , lagu dhameeyo khilaafaadyada jira iyo in la dhayo boogaha muddada dheer bogsan la’ ee sababta ah siyaasaddaha is diidan.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Deni ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka aqbalay gogol wadahadal oo ay fidisay Puntland.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf xooggan oo ka soo bilowday doorashadii madaxtinimada ee uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada masuul in mudda ah ma aysan ka dhaxayn wax xiriir ah waxaana hadda muuqanaysa in labada dhinac ay doonayaan in ay ka shaqeeyaan isu soo dhawaansho si xal loo gaaro.
Shirkan oo la wada sugaya waxaa la filayaa in ay isku arkaan siyaasiin badan oo xurgafi ay u dhaxeysa hase ahaatee lama oga sida lagu damayn karo khilaafaadyadan mudada dheer soo jiray.