MUQDISHO (KAA TV) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qaabkii loo xiray wariye Cali Nuur Salaad oo Isniintii qaab shirqool ah loogu xiray magaalada Muqdisho.
Cali Nuur ayaa warbixin ka sameeyay jaadka oo dhibaato ku ah ammaanka iyo ciidamada. Waxaana uu hadda ku jiraa xabsiga dhexe ee Muqdisho oo loo gudbiyay maalintii Talaadada ee shalay.
Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Mumin ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyay maanta xarigga wariye Cali Nuur Salaad.