MUQDISHO (Kaab TV) – Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay tallaabada maanta lagu celiyay labo duullimaad oo ka kala yimid Garowe iyo Kismaayo, kuwaas oo siday wufuud hordhac u ahaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Diyaaradaha waday labada wafdi ee ka kala socday labada dowlad-goboleed ayaa hawada laga celiyay, xilli ay ku soo degi lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.
“Waa ceeb in maanta wufuuddii hordhaca ahayd ee Puntland iyo Jubaland ay soo gaari waayeen Muqdisho. Is-faham la’aan kasta ha jirtee, Midowga Yurub wuxuu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay helaan xal, si wada-hadalkan muhiimka ah u qabsoomo, loona abuuro jawiga ku habboon dood wax-ku-ool ah, taas oo horseedi karta jid hore oo ku saabsan doorashooyinka,” ayay tiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo qoraal ku baahisay boggeeda X.
Shame that advance teams fr PL & JL could not arrive today in Moga. Whatever the misunderstanding, the 🇪🇺 hopes that all sides will find a solution for this key dialogue to happen, and set a conducive environment for substantive discussions, leading to a way forward on elections.
— Francesca Di Mauro (@francescaDM_EU) February 1, 2026
Sidoo kale, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muujiyay ka xumaansho ku aaddan dhacdada maanta.
“Xafiiska QM wuxuu muujinayaa sida uu uga xumaaday in wufuuddii hordhaca ahayd ee Puntland iyo Jubaland aysan soo gaari karin Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu waday inay ka furanto Muqdisho, kaddib markii aan la bixin oggolaanshihii farsamo ee loo baahnaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.
Qoraalka ayaa intaas ku daray:
“Waxaan si adag ugu dhiirrigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan madasha wada-hadalka ee lagu heshiiyay, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee qaranka, iyadoo la tixgelinayo dhamaadka soo dhow ee muddada dastuuriga ah.”
“Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa in si degdeg ah loo dhammaystiro hawlaha diyaarinta ee ay wadaan guddiyada farsamada, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed sameeyaan dadaallo dheeraad ah oo lagu abuuro xaalad ku habboon qabsoomidda wada-hadalka, looguna gaaro heshiis mideysan,” ayuu qoraalku sii raaciyay.


