Qaaradda Yurub ayaa mar kale isu diyaarinaysa mowjad kulayl daran ah, kaddib markii bilihii lasoo dhaafay dalal badan oo qaaradda ka tirsan ay wajahaan heerkul sare oo sababay dhimashada kumannaan qof.
Khubarrada cimilada ayaa sheegay in maalmaha soo socda la filayo in qaybo ka mid ah Yurub ay mar kale la kulmaan kulayl xooggan, xilli qaaradda ay ku sii dhowaanayso isbeddelka xilliga cimilada.
Boqortooyada Midowday (UK), gaar ahaan koonfurta England, ayaa laga filayaa in heerkulku uu Maanta Jimca ah ilaa Axadda dhaafo 35°C, iyadoo dadka loogu baaqay inay taxaddaraan, gaar ahaan dadka waayeelka ah iyo kuwa u nugul saameynta kulaylka.
Mas’uuliyiinta ayaa dadka kula taliyay inay joogaan goobaha qabow, cabbaan biyo ku filan, kana fogaadaan qorraxda xooggan xilliyada ugu kulul ee maalinta. Adeegyada gurmadka iyo dab-damiska ayaa sidoo kale loo diyaariyey inay ka jawaabaan xaaladaha ka dhasha kulaylka.
Hay’adda Saadaasha Hawada UK ee Met Office ayaa sheegtay in London iyo deegaannada ku dhow ay wajihi karaan heerkul sare, ka hor inta aan la gelin isbeddelka xilliyeed ee xiga.
Warbixinno laga sameeyay saameynta kulaylka ee Yurub ayaa tilmaamaya in in ka badan 25,000 oo qof ay qaaradda ugu dhinteen kulaylka bilihii lasoo dhaafay. Jarmalka ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee dhimashada laga diiwaangeliyey, iyadoo qiyaasaha la soo bandhigay ay sheegayaan in ku dhowaad 11,900 oo qof ay halkaas ugu dhinteen kulaylka.
Khubarradu waxay ku celcelinayaan baaqa ah in dadka ay qaataan tallaabooyin looga hortagayo saameynta kulaylka, maadaama heerkulka aadka u sarreeya uu khatar gaar ah ku yahay caafimaadka dadka nugul.

