SO | EN

SO | EN

Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo odayaasha dhaqanka lakulmay

|

Beledweyne (Kaab TV) – Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo uu wehliyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loo magacaabay Cabdullaahi Axmed Sufurow ayaa la kulmay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Beledweyne.

Kulanka ayaa sida ayaa  sida wararku sheegayaan looga hadlay xiisada ka taagan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Kulankaa oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadistii uu habeen hore madaxweyne Cali Guudlaawe ku sameeyay Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ayaa odayaasha uu la kulmay ka codsaday in xaalada magaalada dejiyaan, waxa uuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan.

Xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiye Cali Jeyte ayaa xiisad ka abuurtay gobolka Hiiraan , Cali Jeyte ayaana si cad uga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay, waxa uuna cadeeyay in ay ka baxeen Hirshabelle eyna la bexeen Hiiraan State.

Xildhibaannada beesha Xawaadle ku matela baarlamaanka federaalka Soomaaliya intooda badan ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxa ayna si kulul u dhaliileen madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in hadda kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo layiraahdo Hiiraan State.

Sidoo kale Cali Jeyte waxa uu gobolka ku soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isaga oo ku goondiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News