Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shir jaraa’iid ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taaganaa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, guddoomiye Madaale ayaa ka hadlay dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamar Weyne, oo uu sheegay in dhulkaa uu lahaa Taliyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.
“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri Madaale.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay muran dhul oo isna ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde, isagoo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu caddaalada u doonto garsoorka.
Sidoo kale waxa u sheegay in maamulka uu sameeyay xafiis u gaar ah cabashooyinka cidii cabasha qabataana ay tahay in ay la xariirto si loo dhageysto.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaa oo dadkii daganaa laga raray, isagoo sheegay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin waxa dhul boob.