“$20,000 oo lagu raadinayo Fahad Xabash oo ah askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

|

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay raadineyso askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu magacaabo Fahad Xabash, iyadoo la sheegay in lacag dhan $20,000 lagu abaalmarinayo qofkii keena xog lagu heli karo halka uu ku sugan yahay.

Fahad Xabash ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada kasoo muuqday, isagoo si adag uga hadlay xaaladda dalka iyo habka ay dowladda u maamusho arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha amniga ay ku guuldarreysteen inay soo qabtaan askariga, waxaana la sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan hogaanka sahanka iyo sirdoonka, lagu amray inay soo ogaadaan halka uu ku sugan yahay.

Fahad Xabash ayaa isna sheegay in dhowr jeer la isku dayay in la dilo, isagoo baraha bulshada ku baahiyay cod uu sheegay inuu ka yimid sarkaal ka tirsan Booliiska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ka hadlayay xaaladda dadka Muqdisho, gaar ahaan qoysaska guryahooda laga burburiyay kadib markii ay muddo dheer ku noolaayeen goobahaas.

Arrintan ayaa dhalisay dood ka dhex aloosan baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay dowladda ku dhaliileen tallaabooyinka la sheegay inay ka qaadayso askarigan, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in ciidamada qaranku ay leeyihiin xeerar iyo amarro ay waajib ku tahay inay raacaan.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin wararka sheegaya in $20,000 lagu bixiyay xogta Fahad Xabash iyo in amar lagu soo qabto la siiyay hay’adaha amniga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News