Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalkii galabta ka qarxay dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay ku dagaallameen maleeshiyaad beeleed ka tirsan maamulka Galmudug iyo ciidan lagu shegay booliska Galmudug oo gelbinaayay saanad ciidan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Gaalkacyo.
Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii maleeshoyaadka beesha Sacad ee Habargidir ay waddada u galeen labo gaari oo hub siday oo ay galbinayeen ciidanka booliska Galmudig.
Saanadda oo isugu jirta rasaasta noocyada kala duwan iyo dareyska ciidanka ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee ay maamusho Galmudug ee ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Wariye Cabduqaadir Maxamed oo ku sugan Gaalkacyo ayaa Kaab TV u sheegay in markii maleeshiyaadka qabsadeen hubka ay la aadeen duleedka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ka dibna ciidan ka tirsan Galmudug ay ku weerareen si isugu dayaan inay hubka kasoo celiyaan.
“Ka dibna dagaal ayaa saacaddu markay ahayd abaare 4:00 galabnimo qarxay, kaas oo la sheegayo in illaa 7 ruux oo labada dhinac ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Cabduqaadir.
Ilyaas Xasan Maxamed oo loo yaqaano “Cagaweyne” oo ah taliyaha saldhigga booliska ee koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in ciidankiisu ay weli baacsanayaan maleeshiyaadka hubka ka qaatay.
Saanaddan ciidan ee ka timid Muqdisho ayay iluhu sheegayaan in loo waday dhanka waqooyiga Gaalkacyo, oo ay Puntland ka taliso, halkaas oo beryahan ay ka taagneyd xiisad u dhexeysa ciidanka Puntland iyo kuwa taageersan Asad Diyaano ee loo yaqaano PSF, kuwaas oo horey u sheegay inay taageero ka helayaan Dowladda Federaalka.
Update: The Galmudug side presented this vehicle which they said was carrying weapons airlifted from Mogadishu into Galkayo south on Tuesday.
At least two people were injured after brief gunfight between Galmudug Darwish officers and police officers guarding the weapons and… https://t.co/94JkKRg9uA pic.twitter.com/eD3XM9857j
— Kaab TV (@KaabTV) August 4, 2026
PSF iyo ciidanka Puntland waxay labo toddobaad kahor ku dagaallameen Boosaaso, halkaas oo Puntland ay kaga awood roonaatay ciidanka PSF ee hoostaga Asad Diyaano oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND OO WAR SOO SAARTAY
Dowladda Puntland ayaa cambaareysay fal ay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay hub iyo ciidan ku daabuleyso deegaanada Puntland.
War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu bogaadiyay in ciidamada dhanka Galmudug ay ka hortageen hubka, oo ay Puntland sheegtay, in dhanka deegaanada Puntland loo waday.
Puntland waxay ugu baaqday shacabkeeda inay ka digtoonaadaan falalka colaad uu Xasan Sheekh Maxamuud ka hurinaayo Galmudug.
Hase yeeshee in maleeshiyaadkan ay hubka la wareegaan waxay ka dambeysay ka dib markii odayaal beelaha Sacad iyo Majeerteen/Cumar Maxamuud oo Gaalkacyo ku sugan ay ka shireen ilaalinta nabadda Gaalkacyo, oo waayadan danve ay ka jireen xiisado amni oo sababay in dadweynaha ay baqdin soo foodsaarto.

