Dhuusamareeb (KAAB TV) – Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug u dhoofay xubno katirsan mucaaradka madaxwenaha dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Cabsicasiis Xasan Maxamed (Laftagaree).
Sidoo kale, Siyaasiyiinta hormuudka u ah mucaaradka madaxweyne Laftagareen ee u dhoofay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan, Jawaari iyo Xildhibaan Maxamed Mursal.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasiyiintan u aaday magaalada Dhuusomareeb sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo fariisin ka dhigtay caasimadda Galmudug.
Dhanka kale, Siyaasiyiinta ayaana madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlaya fulinta heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Baydhabo oo dhigayay in muddo sannad ah loogu daro madaxweyne Laftagareen , taa oo hadda ka harsan tahay kaliya muddo labo bil ah.
Isbaheysigan cusub ee kasoo horjeeda madaxweyne Laftagareen ayaa ku hanjabay haddii xal siyaasadeed la waayo loona diido in ay diyaarado ku tagaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe in ay xoog ku tagayaan magaalooyinkaasi.