SO | EN

SO | EN

Dagaal beeleedka Mudug: 20 ruux ayaa ku dhimatay tuulada Farta Cadayga

|

GAALKACYO (KAAB TV) – Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay, illaa 30meeyo kalana way ku dhaawacmeen dagaal maleeshiyo beeleed Isniintii ku dhexmaray deegaanka Farta Cadayga ee gobobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in aroornimadii Isniintii koox maleeshiyo ah ay weeraren ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa tuulada Farta Cadayga.

Weerarka ayaa sida la sheegay daba joogay dilal dhowaan ka dhacay deegaanada miyiga oo dhexmaray labada dhinac oo ka kala soo jeeda beelaha Leelkase ee Puntland iyo Sacad ee dhanka Galmudug.

Odayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in dadka maanta ku dhintay dagaalka ay u badnaayeen xoolo dhaqato, iyadoo siyaasiyiin ku sugan Puntland ay ku eedeeyeen in ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug iyo kuwa federaalka ay ka qeybqaateen dagaalka.

“Hubka dadka lagu laayey ma ahayn hub fudud, wuxuu ahaa hubka culus, waxaana dareensanahay inay ciidamada dowlada federaalka ka qeybqaateen,” ayuu yiri siyaasiga Cusmaan Sheekh Ismaaciil.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Galmudug iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka iyo eedeynta loo jeediyay.

Hase yeeshee odayaal ku sugan Galmudug ayaa sheegay in dagaalka maanta uu daba joogay dad dhowaan laga dilay dhankooda, waxayna sheegeen in hadda ay socoto waanwaan lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda.

PUNTLAND OO BAAQ SOO SAARTAY

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo u jeedinayo labada dhinac inay si shuruud la’aan ah ugu hogaansamaan dedaalada nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqangelinta xabad joojintu, islamarkaana ka dheeraadaan wax kasta oo colaada sii hurinkara.

“Anaga oo gudanayna waajibaadka naga saaran illaalinta Nabadgelyada iyo wada noolaashaha bulshada waxaan khadka Taleefanka kuwada xidhiidhnay Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo aan isla garanay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa colaada, inaan guddiyo u dirno iyo soo celinta xasiloonidii deegaanka,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Gobolka Mudug, oo ahaan jiray meelaha ugu badan ee colaadda qabiiladu ka dhacaan, ayaa muddo xasiloonaa, waxaase hadda dadku walaac ka muujinayaan soo laabashada dagaal qabiileedka ee hadda ka taagan deegaanada miyiga ee gobolka Mudug.

Qeybo ka mid ah gobolka Mudug ayaa waxaa weli gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab oo dhankooda lagu eedeeyo inay ka faa’iido colaadda beelaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News